Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed somaliya cabdicasis lafta gareen ayaa durba
waxa uu fuliyay qorshayaashi madaxweyne farmaajo
uu ka damacsanaa doorasha oo ah in uu soo saaro xubnaha aqalka sare xildhibaano
asaga taabacsan isla markaana hirgalin kara in dib looguso doorto madaxweyne farmaajo 4ta sano ee soo socota.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ayaa waxa uu so saaray liiska 5
kamid ah murashaxiinta aqalka sare isagoona liiska ka reebay laba kamida
sanatarada ugu caansan aqalka sare oo kala ah,
·
Ilyaas cali xasan
·
Xuseen shiikh maxamud
Ilyaas cali xasan ayaa waxa uu ka
tirsanaa xisbiga himilo qaran ee uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee somaliya shiikh shariif shiikh axmed,
Halka xuseen shiikh maxamuud
uu ahaa xoghayaha xisbiga UBD ee uu hogaamiyo madaxweyne xasan shiikh maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in goaankan ilyaas
iyo xuseen looga reebay liiska
murashaxiinta uu laha madaxweyne farmaajo
oo aay ka goan tahay in xildhibaano daacad u ah aay kasoo baxaan koonfur galbeed.
Kursiga ilyaas ayaa
waxaa loo sharaxay in ay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah,
Ayaan aadan cabdulahi iyo Farxiyo nuur aadan.
Halka kursiga xuseen shiikh
maxamuud isna loo sharaxay wasiir dowlaha arimaha gudaha somaliya aadam
cabdinasir maxamed iyo maxamed
xasan adan.



Comments
Post a Comment