FARRIIN
ASC fariintani waxay ku socotaa qof kasta oo caan ah ama magac wanagsan ku dhex leh bulshada.
Walaalayaal sida aad arkaysaan waxa aad usii xumanaya xaalka dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, waxa aad ugusii dhex faafaya bulshadii nacayb iyo qabyaalad aay horseed u yihiin qaar kamida dhalinyaro ismood isticmaala baraha bulshada.
Waxaa hada nagu cusub oo bilowday in hablo kamida hablaha somaliyeed aay maanta isku garaacayan magaloyin kamida magaloyinka somaliya kaliya waa qabiil hebel iyo qabiilkena ayay wax ka sheegtay isla markaana aay iska duubayaan muuqal kuna baahinayaan baraha bulshada wana sababta kor usii qaadaysa nacaybka iyo kala foganshaha qabiilada somaliyed.
Waxa la filayay inan dhibaatooyinkii aan soo marnay aan kasoo kabano lkn lama dareensana dagaal kastoo sokeeye oo dalka soo maray waxa ka khatar badan waxa hada kasocda TIKTOK, FACEBOOK IWM, taasna waxa horay noogu cadeeyay abwaan soomaliyeed oo yiri "" afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara""
Gabagabadii dadka caanka waxan idinleyahay . Walaalayaal dadka ka wacyi galiya qabyaalada, intiina wanagsan oo ka madax banan qabyalada is aruursada bulshadana wacyi galiya oo magaca u illaah idinsiiyay wanaag uga faidaysta iyo isku haynta bulshadiina soomaaliyeed.
Walaalayaal qofka bulshada kala dilaya takoora oo yaan loogu sacbin xumanta, usheega runta hana la kaftamina oo dareensiiya inuu yahay qof takooran oo xanun faafinaya.
ALLE HA IDINKU DUWO INAAD DANTIINA IYO TAN DALKIINA IYO DIINTIINA IYO DADKIINABA WANAGA U HORSEEDAN "ASC"
Comments
Post a Comment