Hadii la is weydiiyo suaasha ah,
waa kuma ciyaariyahanka ugu weyn dhamaan waxa sports la xiriira ? hadii aay
noqoto kubada cagta hadii aay noqoto kolayga xataa hadii aay noqoto tineska
waxa khasaba jawaabtu inay noqonayso waa MAXAMED
CALI KALAAY.
Xata sida aay qirsan yihiin raga lagu tilmaamo kubada kuwa laaday kuwa
ugu fiican sida messi ayaa sawirkiisa funanadaha ku dhagsaday.
Khabib oo anan waligii hal
mara looga adkan ciyaarta lagdinta ayaa yiri “in Mohamed ali kalay la idhinac
dhigo iskadaa in aan ka fiicnahaye xata in la idhinac dhigo uma qalmo ninkaas
kaligiis ayaa meel taagan.”
Hadaba suasha ayaa ah maxaa loogu tilmaama laacibka taarikhda ugu weyn?
cid walba oo wax ciyaartana ay ugu aragta cida aay ku dayato?
1999 waa markuu faristay mudo dheer kadib ayaa loo doortay inuu yahay
laacibka wax walba oo laciyaaro ugu fiican 100kii sano ee lasoo dhaafay.
Maxamed cali kalaay kaliya ma ahan feer
yahan, wuxuu ahaa xakiim, faylasuuf kalmadihiisa anan la iloobin, sabar badan
geesi ah, suaal walba oo dhagar ah oo la weydiiyana si cajiiba uga jawabi jiray
oo anan la filaynin. Sidoo kale wuxu ahaa nin neceb dulmiga iyo xad gudubka.
Waxa ka mid ahaa kalmadihiisii cajiibka ahaa “ waan nebcahay daqiiqad walba oo an tababar ku jiro lkn waxan isku
qanciyaa in aan udulqaato xanuunka tababarka hal saac si aan noloshayda ugu
noolaado anigoo halyeey ah” .
Saxafi ayaa mar waydiiyay meeqo mar ayaad samaysaa pushupta?
Jawaabtuna waxay noqotay mid uusan saxafigu filaynin oo ahayd. 5 ama 6
mar kaliya ayaan ssameeyaa, saxafigii ayaa yiri ma adigoo maxamed cali kalaa ah
ayaad intaas kaliya samaysaa? Wuxuu ugu jawaabay “tirade waxan ka bilaaba
meesha ugu danbaysa ee aan ku daalo”


Waan ka helay
ReplyDelete